JAMAAL ALI XUSEEN OO KUTILMAAMAY XUBNO ISKA CASILAY GARABKA GUDOOMIYE EE XISBIGA UCID KANA NIYAD JABAY XUBINADA FAYSAL CALI WARAABE EE XISBIGA KULMIYE

0

Hargaysa{AN}–Jamaal Ali Xuseen oo Ku tilmaamay Xubno iska Casilay Garabka Faysal Cali Waraabe ee Xisbiga Ucid Kuwo kaniyad Jabay Guulwadadynta Kulmiye ee Faysal Cali waraabe,  SLL.-Waxaan caawa maqlaayey dad la yidhi waxay iska casileen Xisbigga UCID ee gobolka Togdheer. Horta dadkani waa xubno uu magacaabay Faysal Cali Waraabe saddex bilood ka hor qaarkood sida aad ka arki kartaan warqadda uu ku magacaabay ee halkan ku lifaaqan. Waxaan arkaayey warar xaqiiqda ka fog oo Saxansaxo iyo Togaherer ay qoreen oo ahaa waxay dadkani ka tirsanaayeen garabkii New UCID. Xaqiiqduna halkan ayaabay ku jirtaa; kolay markay arkeen dhinicii kale ayeey ku qanci waayeen oo ay ka dareereen.

Dadku waa inay ogaadaan in ay jiraan xubno beryahii ugu danbeeyey intii khilaafka UCID oo uu xisbigga Kulmiye amaah ahaan ugu soo waaridaayey Faysal garabkiisa iyagoo filimka ku matalaayey in ay Faysal taageersan yihiin, laakiin runtii ah xubno loogu soo cumaamaday in ay kaalin xoog leh ka qaataan burburka xisbigga UCID oo uu qandaraaskeedda soo qaatay Faysal Cali Waraabe. Anigu wada odhan maayo xubnaha is casilay Kulmiye ayeey ahaayeen; way dhici kartaa in xubno daacadda oo ka gaws adaygay hogaaminta Faysal ay iyagu ku jiraan xubnahaasi oo ka niyad jabay.

Haddaba waxaanu taageerayaasha Xisbigga UCID halkan uga cadeeynaynaa in la sugaayo dhagaysigii dacwadda; khilaafkuna uu ku soo af jarmi doono maxkamadda taasoo naruuro u noqon doonta geedi socodka Dimuqraadiyadda, iyo heshiisyadda ay xisbiyaddu wada galaan. Xisbiyadda qarankuna ay noqon doonaan qaar la wada leeyahay oo aanay dad gaar ahi aanay ku shaqaysan oo aanay noqon goob shilimaad yar laga hello ee ay noqdaan qaar ummadda hogaamin iyo mustaqbal u horseedda. Ilaahay baa mahad leh; cid kastoo khiyaamo wadaana iyaddaa ku jabi doonta ee ha la sugo taariikhda qormi doonta inshallah.

 Musharrax Madaxwayne-  

Jamaal  Ali  Xuseen

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com