Arabsiyo News–Waxa maanta Magaalada Arabsiyo lagu qabtay xaflad Balaadhan oo lagu sii sagootiyay Ardaydii dhamaysatay Fasalada 4 aad oo guul ka soo hooyoy sanadkan, Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka gabiley cabdisamad Shekh Cumar qaabil, Gudoomiyaha waxbarashada Degmada Arabsiyo Fadxiya maax xasan , Gudoomiyaha degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax, Dhiinka jaamada timacade ee gabiley, ganacsatada Magaalada, marti sharaf, iyo ardaydii loo qabtay xafladaasi, ugu dambayntii Ardayda Arabsiyo Secondary School ayaa Shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Maamulka Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo, Ganacsade cali carab obsiiye iyo Yoonis Cali Nuur.
Wariye Cabdifataax Maxamed Giryaad
Arabsiyonews@gmail.com
+252-63-4654654








