Hargaysa(AN)DAAWO- Wararkii U Dambeeyey Ee Safarka Madaxweynaha Somaliland Ugu Kicitimay Gobolka Sool, Deegaamada Uu Sii Maray Iyo Halka Uu Caawa U Hoyday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku tagay gobollada bariga Somaliland maanta.
Madaxweynaha Somaliland oo ka ambabaxay saaka magaalada Hargeysa, isla markaana si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Saraar, waxa uu gelinkii dambe ee ilsa maanta gaadhay magaalada Caynabo ee Gobolka Saraar oo yoolka kowaad ee safarkiisu ka bilaabmayo, isagoo socod ku mari doona gobollo iyo deegaamo kale oo ka mid ah gobollada bari.
Dadweyne tiro badan oo sita calanka Jamhuuriyadda Somaliland, midka xisbal-xaakimka dalka ee KULMIYE iyo caleemo qoyan oo ay la taagnaayeen jidka hareerihiisa, ayaa ku qaabilay Madaxweynaha iyo weftigiisa tuulo, magaalo, degmo iyo gobol kasta oo uu marayey, iyagoo muujinayey gacaltooyada iyo boholyawga ay u qabaan Madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE ee muddadii uu talada dalka hayey hirgeliyey waxqabadka baaxadda leh.
Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay caawa u hoyanayaan magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, halkaasi oo bulshada ku dhaqani si wayn ugu soo dhawaysay, iyadoo Madaxweynuhuna socod lug ku dhexmaray jidadka magaalada oo boqolaal dadweyne ahi safnaayeen.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo saraakiil kale weheliyaan, ayaa isna gaadhay magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar, isagoo halkaasi kaga biiraya Madaxweynaha iyo weftigiisa.
Weftiga Madaxweynaha ee uu qaybta ka yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa la filayaa inay berri guda-galaan hawlahooda shaqo ee socdaalkan la xidhiidha.
Arabsiyo.net
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








