WARARKII UGU DANBEEYEY EE DAGAALKA KA SOCDA DEEGAANKA BOODDA EE GOBOLKA SANAAG.

0

Ceerigaabo(AN)Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya deegaanka Booda ee Dagaalku uu ka bilaabmay ayaa waxa goob jooga halkaasi ka agdhawi noo xaqiijiyey in uu wali socdo dagaalka isaga oo sheegay in dagaalka bilawgiisa ay ka danbaysay ka dib markii Waxaa Dagaalku Bilaamay kadib Markii Deegaanka Gobolka Sanaag Somaliland Gaysay Cod Bixinta Doorashooyinka Somaliland Waxaana Taasi Sababtay in Dadka Deegaanka iyo Ciidamo is Garabsanaya oo ah kuwa Puntland iyo dadka degaanku ay iska Difaacaan,

Goob joogaha ayaa intaa ku daraya in degaanka Booda cad laga  maqlayo diryanka Hubka noocyadiisa kala gadisan oo ay labada dhinac is waydaarsanayaan.

Goobjoohan ayaa sidoo kale sheegay in ayh wali adag tahay in la ogaado khasaaraha dhabta ah ee labada soo kala gaadhay inkasta oo ay jiraanbuu yidhi Maxaabiis labada ay kala qabsadeen ilaa haatan oo la kala geeyey Magaalooyinka Dhahar iyo Badhan.

Geesta kale Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya xilli Magaalooyinka badhan iyo dhahar ayaa waxaa ku kala sugan wasiiro ka kala tirsan somaliland oo uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo kuwa ka socda dhinaca Maamulka puntland.

Deegaanka Gobolka Sanaag ayaa ka mid ah Dhulka uu ka taagan yahay muraka dhanka soohdinta ah oo udhaxeeya maamulada puntland iyo somaliland.