Fadeexad: Xisbiga WADANI Oo Weji Gebax Kala Kulmiye Taageero Uu Ka Sugayey Mid Ka Mid Ah Beelaha Galbeedka Hargeysa Oo Hoolka U Cidleeyey

0

Hargaysa(AN)Fadeexad: Xisbiga WADANI Oo Weji Gebax Kala Kulmiye Taageero Uu Ka Sugayey Mid Ka Mid Ah Beelaha Galbeedka Hargeysa Oo Hoolka U Cidleeyey

Madal todobaadkii ugu danbeeyay qabanqaabadeedu ay ka socotay magalada Hargeysa isla markaasna gurxanka iyo abaabulkeeda laga dareemayay xarunta dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee waddani, taas oo ay doonayeen masuuliyiinta xisbiga waddani inay ku soo dhaweeyaan taageerayaal mug iy miisaan ku leh gobalka maroodi jeex ayaa gabi ahaanba ku dhamaatay fashil.

Munaasabadan oo saaka loogu balansanaa hoolka weyn ee hotel guuleed ayaanay gabi ahaanba ka soo xaadirin taageerayaashii loo qoondeeyay munaasabada, waxaana lagu arkaayay hakkaas masuuliyin sar sare oo ka tirsan xisbga wadani oo gaafwareegayay barxada hore hudheelkaaas, halka gudaha  hoolkana uu ku cidloobay calanka liiiga ah ee xisbigaasi uu caanka ku yahay oo si weyn kuraasta hortooda loogu sharaxay, sida ka muqata swiradan somalilandrise helay uu helay.

saw

Sikastba ha ahaatee xisbiga mucaaradka ah ee wadani ayaa u muuqada mid awoodiisu ku koobantay gudoomiye cabdiraxman ciro iyo inyar oo ku hareegaysan kuwaas oo haatan ku mashuuqsan goblada bariga Somaliland oo diiwaangalinta codbixiyayaashu ay ka socoto. Dhacdadan ayaa muujinaysa in cududa taageero ee gobalka maroodijeex ay ka sii faro muruxsanayso xisbiga mucaaradka ah ee waddani.

Shebekdda somalilandrise.com oo isku dayay in uu la xidhiidho masuuliyiiinta xisbiga waddani ayaanay u suurto galin inuu helo  masuul dhacdadan ka hadla.

 

Arabsiyo.net

Hargaysa Office