Wararkii u dambeeyey Dagaalka Bariga Sanaag, Khasaaraha dhimashada, Magaca Xildhibaan iyo maxaabiis kale oo la qabtay iyo sida uu xaalku yahay

0

Wararkii u dambeeyey Dagaalka Bariga Sanaag, Khasaaraha dhimashada, Magaca Xildhibaan iyo maxaabiis kale oo la qabtay iyo sida uu xaalku yahay

Dagaal xoogan ayaa deegaanka ballibusle ee gobolka sanaag ku dhex maray ciidanka qaranka somaliland ee ku sugan jiiddaasi iyo ciidanka Puntland.
Dagaalkan oo bilaabmay saaka aroortii hore ayaa waxa la sheegay in uu sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
ciidanka qaranka somaliland, ayaa l a sheegay in ay qabteen 19 maxbuus oo Puntland ah oo uu ku jiro xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo siciid canjeex iyo maxaabiis kale.
dhinaca kale ciidanaka qaranka somaliland, ayaa la sheegay in ay ka dhinteen hal askari oo dirawal ahaa lamana sheegin dhaawaca soo gaadhay ciidanka, halka ay puntland wararka ka soo baxayaan sheegayaan in ay jiraan dhimasho sadex qof gaadhaysa oo aan la hubin.
dagaalkan oo bilawday illaa afartii subax nimo ee saaka, ayaa waxa uu socday saacado badan, waxaana la sheegay in uu ahaa dagaal qadhaadh oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo ay deegaamada bariga sanaag ka socdaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka somaliland oo uu salka ku hayo dagaalkani.