Hargaysa(AN) Madaxweynaha Somaliland Oo Degmo Cusub U Magacaabay Balli Bataan Iyo Masuul xukuumadda ka tirsan oo ka hadlay
Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta degmo u magaacaabay deegaanka ballimataan oo ka tirsan Gobolka Hawd, gaar ahaan hore uga tirsanayd degmada sallaxlay.
Sidaasna waxa barta uu ku leeyahay Facebook ku shaaciyey agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha somalilandMaxamed Xuseen Dhabeeye, waxaanuu uga mahad celiyey madaxweynaha.
Qoraalkan uu agaasime dhabeeye soo dhigay Facebook ee uu ku sheegay magacaabista degmada ballimataan waxa uu u dhignaa sidan:-
“Masha allaah ilahayba mahadle marka xigana madxwaynaha jsl mudane Ahxmed mohamed maxanuud ayan u mahadnaqayna waxa maanta madxwynuhu dagmo u magacabay bali mataan wa guul uso hoyatay dadka deegaanka konfurta hargaysa wanan u mahadnaqaya dadki ka shaqeyay gaar ahaan wasiirada madxtoyada ito xanaanada xoolaha








