Arabsiyo News—-Wararka ka imanaya gobolka Saraar ayaa sheegaya in Maxkamad ku taalla gobolka Saraar ayaa saddex nin ku riddey xukun xabsi ah,kaddib markii lagu heley inay si sharci darro ah uga ganacsan jireen iibinta rasaasta qoriga AK47.
Ciidanka booliiska gobolka Saraar ayaa gacanta ku dhigey saddex nin oo sida la sheegey ka ganacsan jirey rasaasta qoryaha loo yaqaano AK47-ka,waxaana la sheegey in lagu soo qabtey rassaas dhan laba kun iyo lix boqol oo xabbadood oo ah xabbada ka dhaca qoriga AK47-ka.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saraar Sheekh Saalax ayaa ku dhawaaqey xukunka raggaasi,waxaana uu sheegey in raggaasi lagu xukumey midkiiba saddex bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo gaadhaya midkiiba laba milyan oo shilinka Somaliland.
Tallaabadan ayaa noqoneysa mid laga hor tagayo ka ganacsiga rasaasata iyo hubka sharci darrada ah,taasi oo wax weyn ka tari doonta ammaanka magaaladaasi








