Hargeysa (Ilays-News):- Muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) Gudoomiye ku xigeenkii saddexad ee xisbiga UCID ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadley xil ka qaadista uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sameeyey Marwo Rooda Axmed Yasiin gudoomiyihii gobalka Saaxil ee xisbigaas
Cali Guray o arintani ka hadlaya waxaa uu yidhi :
“Xafiiska Gobolka Saaxil miyuu arkay meel uu ku yaal weligiise ma booqday. Miisaniyadda dawladdu xisbiga siiso wax ma ka gaadhsiiyaa. Hal doolar miyuu ka bixiyaa kharashka ku baxa.
Kiradiisa yaa bixiya Berbera inta xisbiga ku jirta cidna ma ka yaqaan? Xildhibaanada xisbiga ee Saaxil ninka yidhi UCID kuma jiraan isagu UCID mayahay mise waa sheegato.
Bal ha soo magacaabo cid oo ha fadhiisiyo kursiga Gudoomiyaha. Sedexda Gobol ee Galbeedku uma tirsana dalka intiisa badanna dhuumashuu ku tagaa. Awadal xegeeda ma eego Hargeysi way taqqanaa wax uu u sheegi karaa ma jirto.
Berbera salaad hore inta aan la soo toosin ayuu maraa hadii kale kuma baydho ee wuu dul maraa sheekh birayga kuma waabiyo Burcana Galbeedka xagiisa ma eego gooladda ugu horeysa ayuu bari ula laabmaa PALAZA HOTEL oo koox baratay oo casaabad ahi ku sugayso ayaa ugu horeysa.
Kooxdaa wuxu u yaqaan ama isaga dhigtaan reer isaga taageersan oo codkooda isaga siinaya waanu rumaystaa ama waa kuwa keliya ee uu wax ka rumaysto ilayn way barteen oo waxay uga garaacaan xadhiga uu jecel yahaye. Markay 100 eray uu jecel yahay ugu celceliyaan ayuu kala bataa markay wuxu hayo ka saaraan ayuu isaga oo madaxwayne aan la dhaarin ah Hargeysa ku soo noqdaa.
Kuwa wax u soo yeedhiyaa was casaabadaa Daarul Nedwa, Jamaal waad ka qaadi kartaa ee ka qaad Caligurey ma xisbiguu kula leeyahay horta eri.
Ilaa xafiiskii keli ahaa ee shaqaynayay oo Galbeedka Burco ay dumar iskood u fureen oo kiradiisa sida ka Berbera ay iyagu iska bixiyaan ayuu intii ka shaqaynaysaba ku leeyahay waan kala diray. Waa waalidaa cas uun wixiisu in aanu ahayn qof jira oo damiir leh oo dadnimo leh oo diin leh isaga ayaa isku markhaati furaya” ayuu yidhi Muj. Cali Guray oo qoraalkan soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook








