Hargeysa (Arabsiyo-News):- Rooda Axmed Yasiin Gudoomiyihii Gobalka Saaxil ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo warbaahinta kula hadashey magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay ka hadashey xil ka qaadistii uu maalinkii shalay ahaa ku sameeyey gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Marwo Rooda Axmed Yasiin waxaa ay sheegtay in aanay xil ka qaadistaasi aheyn mid ay wax ka jiraan isla markaana wali ay xilkii xisbiga ka haysay ay sii hayso Gudoomiye Faysal Cali Waraabna aan waxba ka qaadi Karin
Sidoo kale marwo Rooda Axmed Yasiin waxaa ay xustey in xisbiga UCID aanu aheyn tukaan uu leeyahay Faysal Cali Waraabe oo kolba qofku doono meesha ka saaraayo waa sida ay hadalka u dhigtee
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan








