Ceel afwayn(AN) Dab xoogan ayaa qabsaday suuqa ugu weyn magaaladda Ceef-afweyn ee gobolka sanaag, kaas oo sababay khasaraha hanta faro fadan, isla markaana ay ku shuf beeleen illaa lix meheradood oo ku yaalay suuqaasi.
Dabkan oo ka kacay meel suuq badhtankii ah oo la yidhaahdo suuqa Islee ee magaaladda Ceelafweyn, halkaas oo ay ku gubteen illaa lix meheradoodo oo gebi ahaanba shuf belay, waxaanay dadka magaaladdaasi gurmad xoogan u galeen sidii ay dabkaasi u damin lahaayeen.
Dadka ku dhaqan magaaladda Ceel-afweyn, ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dab damis la’aan ay sheegeen in ay guud ahaan gobolka sanaag ka jirto, iyaga oo tilmaamay in ay dhibaao xoogini ka haysato dab damis la’aanta oo aanay jirin goobaha dambku qabsadaan cis bakhtiisa.
Shacabkii ka qayb qaadnayey bakhtiinta meheradahan uu dambku qabsaday ee Ceelafweyn, ayaa waxa ay yidhaahdeen “Suuqa magaaladda Ceel afweyn dab weyn ayaa ka kacay laakiin hadda waanu bakhtiisanay oo waxa isku gurmaday shacabka oo wax aanu ka helnay xukuumadda, golaha deegaanka iyo guddida magaalada midna ma jirto, anaga ayaa isku gurmanay” ayaa ka mid ahaa hadalladii dadkii ka qayb qaadanayey bakhtiinta dabkaasi oo warbaahinta la hadlay.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








