Hargaysa(AN) Ugaaska Guud Ee Beelaha Arab Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Ka Gun Gaadho Xasuuqii Dadka Lagu Laayey (Gaashaamo) Ugaas axmed maxamed siciid (CALI MAHDI) gaaska Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Xukuumada Ugu Baaqay Inay Ka Gun Gaadho Xasuuqii Dadka Lagu Laayey (Gaashaamo)
Ugaas axmed maxamed siciid (CALI MAHDI) Ugaaska Guud Ee Somaliland Ayaa Qoraal uu ku baahiyey baraha ay bulshadu ku kulanto waxa uu dhambaal tacsiya u dirayaa shacbi waynaha reer s/land gaarahaan qoysaskii eheladii asxaabtii iyo dhamaanba dadka ku dhaqan deegaanada jaamac dubad In alle naxariistii Janno ka waraabiyo guudahaanba Dadkii sidan arxandarada ah ay u laayeen ciidamada LIYUU BOLICE-ka iyo kuwa fadaraalka ETHOPIA oo is kaashanaya, nuqul kamida warsaxaafadeedkan oo uu ugaaska guud ee beelaha Arab soo gaadhsiiyey shabakada wararka caalamiga ah ee Arabsiyonews waxa uu u dhignaa sidan.”
Waxaan aad ugu xumahay Geerida foosha xun ee ka dhacday degmada jaamac dubad ee gaashaamo oo aynaan dhaqan u lahayn laba Dal,Dad,xidhiidh iyo Daaqsimiba ka dhaxayso. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheliyadii , Asxaabtii iyo dhamaan Shacab weynaha reer Soomaaliland geeridaa Ugubka ah ee wadareed, inakana Samir iyo iimaan saadiqa Eebe(swt) haynaga siiyo iyagana waa shuhado gacan ka xaq darani dishay Janatal fardawsa haka waraabiyo. Waxaanan xukuumada ugu baaqayaa inay sida ugu dhaqaaha badan ugala xaajooto Dawlada Ethopia kana gun gaadho waxay arrintani u soo noqnoto hakala khasaaro weynaato e
 Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








