Suldaanka Guud Ee Bariga Gobolka Sanaag Oo Baaq Nabadeed U Direy Laba Beelood Oo Dagaal Ku Dhexmarey Deegaanka Dharkeyn-Geeyo Ee G.Sool

0

Arabsiyo News—Suldaanka guud ee bariga gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,oo u warramayey telefiishanka Horn Cable Tv, ayaa baaq nabadeed u direy laba beelood oo dirir dagaal ay ku dhex martey deegaanka Dharkeyn-Geeyo ee gobolka Sool,waxaana uu yidhi Suldaanku

“Dhammaan dadkaas waxaan ugu baaqayaa dagaalka halkaa ka jira beelahaa dagaalamaya inay xabbada joojiyaan”Ayuu yidhi Suldaan Siciid.

Dhinaca kale Suldaanka guud ee bariga gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,ayaa ugubaaqey xukuumadda Somaliland iyo madax dhaqameedyada inay ka qayb qaataan sidii ay u joojin lahaayeen shaqaaqooyinka ka bilaabmey deegaanka Dharkeyn-Geeyo

“Waxaan ugu baaqeynaa wixii wax garad ah in arrintaa baaq iyo hawlba laga galo arrintaa,oo ay hawshaa si aragti dheer u arkaan oo looga qayb galo sidii beelahaa loo kala qaboojin lahaa dhammaan madax dhaqameedyada iyo wixii wax garad ahba”Suldaanka guud ee bariga gobolka Sanaag Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,