Arabsiyo News–Aamina Jaamac Warsame oo ah hooyo dan yar ah oo dagan magaalada c hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujisay dhul ay ku leedahay xaafada caalamadaha ee magaalada hargeysa oo ay sheegtay inay sharci foojari ah oo ay samaysteen kaga qaadayana rag xulufo ah.
Hooydan dan yarta ah ayaa sheegay inay dhulkan Ay ragani ku haystan muddo 14 sanno ah iyada oo xustay inay ragani ay ka qaadista dhulkeeda ay u adeegsadeen awood dhaqaale ayna ku iibsadeen kuna samaysteen sharciga lahaanshaha dhulkan oo foojari ah.
Sidoo kalena Mama Amina waxay xustay in dhulka ay iyadu daganayd ila iyo 1983 iyada oo ayn goobtaa ku dhasheen saddex caruura oo ay sheegtay inay qaarkood yihiin 30 –jir hasa yeeshee ay dhibaato badan ka qabsatay sidii ay ugu xasili lahayd .
Hooyadan ayaa sheegtay inay dhulkani uu ka qaaday nin gudoomiye ku xigeen ka ah gobolka aware “Kilidhk Shanaad”
Hooyadan oo arimahaaasi ka hadlaysa ayaa waxay tidhi.
|”Dhulkaygu wuxuu ku yaala xaafada calaamadaha waxa iga qaday nin gudoomiye ku xigeen ka ah gobolka aware ee kilidhka shanaad, dhulkan waxaan daganaa oo la isiiyay ilaa 1983 walibana markaan meeshaa daganaa cidna malahyn buuraha sharcigii dhulka ee dawladii hore ee somaliy wuu iga lumay laakiin 1997 ayaa odaygaygu sharci usoo saray dhulka ilaa wakhtigaana cid igu qabsatay ma jirto oo waxaan daganaa guri sandaqad ah oo kiro igu ah uuna dhaw dhulka laygu haysto,waxaa iigu dhalata caruurtayda qaarkoodn ay 30 jir yihiin”Sidaas ayay tidhi Mama Aamina.
Hoyadan danyarta ah ayaa iyadoo hadalkeeda sii wadata waxya sheegtay iny ragan xulufada ah ay ka rareen guryo ug dhisna meesh ayna jidh dil iyo garaacis u gaysteen caruurtii waxaana ay tidhi.
“Aniga oo guriga ka maqn ayay niman xulufo ahi iga rareen laba aqal somaali oo jagada iiga dhisnaa waxaanay garaceen oo jidh dil u gaysteen caruurtii aan kaga tagay guriga”Sidaas ayay tidhi .
Aamina Jaamac Warsame aya sidoo kale ka dhawajiyay in ragan xulufada ah ee dhulka ku haysta un soo samaystay sharciga foojariga ah uu ku jiro nin uu dhalay xildhibaan Xaaji Cabdi Warabe oo lagu magacaabo siday sheegtay Oday Khadar iyo laba nin oo kale waxaana ay xustay in dhulkan ay la doonayaan gudoomiye ku xigeenka gobolka aware ee kilidhka shanaad oo isgau ah ninka haweenaydan danyarta ah ku haysta dhulka waxaana ay tidhi.
“Ragga dhulka iga qaadaya waxa kamid ah ina Xaaji Cabdi Warabe oo la yidhaahdoo oday khaddar iyo laba nin oo kale saddexdaa nin ayaa dhulkayga sharci foojari ah usoo samaystay waxayna u yeedheen ninka iminka igu haysta oo gudoomiye ku xigeen ka ah gobolka aware dhulkan aniga ayaa leh ragana inay iga qadaan ayay doonayaan”Sidaas ayay tidhi Hooyo Aamina Jaamac Warsame.
Gabagabadiina waxay baaq u dirtay xukumadda Somaliland gaar ahaan madaxwaynaha Somaliland, gudoomiyaha maxkamada sare,hay’adaha ku shaqada leh arimaha dhulka waxaanay dhamaantood ka codsatay in hoos loo eego arinkeeda isla markaana laga qabto raga xulufada ah ee damacsan inay dhulka ka qaadaan.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.comm








