Hargaysa(AN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo masuuliyiin ka kala socotay saddexda xisbi qaran ayaa si wada jir ah ugu baaqay inay dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley inay isdiwaangaliyaan oo ay qaataan warqada kaadhka codbixinta doorashooyinka, iyadoo wajigii koowaad ee hawshaasi la soo gabagabeeyey, isla markaana ay bilaabmayso wajigii labaad ee diwaangalinta codbixinta doorashooyinka.Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay guddida doorashooyinka oo u dhignaa sidan “War-saxaafadeedkan oo lagu wargalinaayay bulshada ku dhaqan gobalka Maroodijeex gaar ahaan labada degmo ee Hargeysa iyo Sallaxlay in wajigii koowaad ee diiwaangalintu soo afmeerantay lana gudda galay wajigii labaad ee diiwaangalinta.
Komishanka iyo saddexda xisbi qaranba waxay si qoto dheer u dul istaageen dhiirigalinta bulshada ku nool Somaliland, gaar ahaan degmada Hargeysa oo ah caasimadii in ay si buuxda uga qeybqaataan diiwaangalinta una soo baxaan kana faa’iideystaan waqtiga kooban ee ay heystaan.
Gabagabadii waxa uu guddoomiyaha komishanku qaranku u soo jeediyay bulshada ku dhaqan caasimada Somaliland inay isdiiwaan galiyaan xaqooda diiwaangalineedna ayna dayicin.
Allaa mahad leh
PR & MEDIA OFFICE








