Burco(AN)-Geeri Aad U Naxdin Badan Ayaa Iminka Ka Dhacday Wadada U Dhxaysa Magaalada Burco Iyo Degmada Shiikh Oo Ka Tirsan Gobolka Saaxil
Gaadhi Ah Nooca Loo Yaqaano Raaxo Texi Ayaa Ku Dhacday Wadada Loo Maro Magaalada Burco Iyo Sheikh Gaadhigan Ayaa Siday Dad Dalxiis Ah Oo Ka Tegay Magaalada Burco
Waxaanu Shilkani Dhacay Ka Dib Markii Ay Isku Dheceen Laba Gaadhi Oo Ah Nooca Loo Yaqaan Raaxo Taxi Ama Dukhaan Iyo Gaadhi Kale Oo Booyad Ah
Shilkan Gaadhi Ayaa Sababay Dhimashada Todoba Ruux Iyo Laba Qof Oo Midi Dhaawac Culus Yahay
Mid Ka Mida Dadka Goob Jooga Ah Oo Lagu Magacaabo Cabdi Risaaq Sugaal Ayaa Noo Xaqiijiyay Inay Shilkaa Baabuur Ku Dhinteen 7 Qof Halka Ay Ku Dhaawacmeen Laba Qof
Waxaana Dadkaasi Iminka Lagu Dabiibayaa Dhakhtarka Weyn Ee Magaalada Burco Iyada Oo Dhakhaatirtu Ay La Tacaalayaan Caafimaadka Intii Hal Wiil Oo Dadka Dhintay Ka Soo Hadhay Oo Xaaladiisu Khatar Tahay.








