Hargaysa(AN)-Mu’asasatu alkaram ee wacyigalinta iyo horunmarinta ayaa deeq iskugu jirta raashin kala duwan gaadhsiiyay deegaanka dila ee gobalka Aw-dal gaar ahaan, tuulada sabawanaag oo ka tirsan gobalkaasi.
Deeqdan oo ay soo dhiibeen jaaliyada soomaliyeed oo ku dhaqan dalka Denmark kuwaasi oo ka soo uruuriyay deeqdaasi markisyo kala duwan oo ku yaala dalkaasi, waxaana ay kala yahiin Masjidul Tawfiiq iyo markisul Tawxiid isaguna ka mid ahaa uruurka dhalinyarada jaaliyada soomaaliyed Horn Africa Aid, waxaana ay deeqdani ka koobnayd raashin iskugu jiray (Daqiiq,Saliid,Sonkor,Bariis,Caano) iyadoo deeqdan tirade daka lagaadhsiiyey tiradoodu ay dhamaayeen 750 qof, waxaana fulinaayay mushruucani isla markaasina lagu soo hagaajiyay mu’asasada Dacwada iyo Horunmarinta Al-karam.
Waxaa ugu horeyn halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay isla markaasina faafahiyay deeqdani iyo cida ay ka timid guddomiye ku xigeenka mu’asasatu Al-karam Sh.Maxamed Deeq
“Runtii waxaa u mahadnaqaynaa Walaalaheen inagu soo hagaajiyay deeqdani iyada oo abaaraha iyo duruuftuba jirto iyaga oo dareemaya dareenka guud ee ummadu wada qabto,walaalaheena dagan wadanka Denmark gaarhan wadanka Copenghan iyo qayrkeedba,waxaa ay ka koobanyahiin dhamaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku xidhan kana wada tirsan maraakistan(Masjid Al-tawfiiq,Masjid Al-tawxiid iyo uruurka jaaliyada dhalinyarada Soomaliyeed ee la yidhaahdo Horn Africa Aid iyo qayrkoodba cidii deeqdaa aad arkaysaan ee ummada tirade badan ee deganadani ay ka fa’iidaysanayaan halkii ugu badneyd ee abaartu ay taabateyna ka mida ayaan u mahad celinaynaa,waxaa kale oo aan u mahad celinaynaa masuuliyiinta iyo odayaasha deeganka ee deeqdan sida wanaagsan u soo dhaweeyay una qaabilay una maamulay,rag iyo dumarba wanaaga,xushmada iyo xishoodka ay ka muuqanayso iyo qadarinta ay ku dhaqmayaanba waan uga mahad celinaynaa dhamaantood wanaagiina inaan idiin ducayno mooyane,wax kale oo aan idin nidhaahno garan mayno”ayuu yidhi
Dhanka kale isna waxaa halkaasi ka hadlay isla markaasina u duceeyay jaaliyada soo bixisay deeqdan Sh.Cabdinaasir Cali Barkhad waxaana uu yidhi
“Dhulkii abaarta ahaa ee dhintay ee aan kulayl la istaagi karaynin,manta waa kaas ina dul taagan ee neecawda iyo qabowga aynu arkeyno nimcadaasi waxay u baahantahay in aynu Alle uga mahadnaqno SW, inagoo ka duuleyna xadiiskii rasuulka ee ahaa ninkan dadka u mahadnaqin ilahayna u mahadnaqi maayo,walaalaheena soomalida ah ee deeqdan ina soo gaadhsiyay dagana dalka Denmark ee ka kala tirsan maraakista walalkeen sheegay oo runtii dhalinyar iyo dumar iyo waayeel aan u kala hadhin oo ay la dareeman walalheena dhibaatadu soo gaadhay si gaarana gobalka Awdal,markii ay arkeen shaashadahana ay ka daawadeen dhitaada soo gaadhay la dareemay oo soo damqaday oo markii ay na soo gaadhayen qiirada iyo oohinta runtii isku soo taagaysa aanu runti daremaynay Aad iyo aad ayaan u mahadnaqaynaa meeshay ka soo saaren wax ka kheyr badan ilahay ha ugu badalo” Ayuu yidhi
Axmed Xasan Kaahin oo ka mida dadka deegaanka degan ayaa ka mahadnaqay deeqdan la soo gaadhsiyay isaga oo ilahay uga baryay in walaalahooda ugu soo deeqay deeqdan iyo kuwa soo gaadhsiyayba halkay ka soo saareen wax ka kheyr badan ugu badalo, waxaana uu ka codsaday dadka deeganka iyo ummada kale ee u gurmanaysa walaalahooda abaarahu sameeyen in madama oo hada uu robkii u curtay isla markaasina ay haraad baxeen dadkii omanaa loo sameeyo waxii danbe, in beeraha loo qodo si dadku ay gacmahooda ugu cil baxaan.
Guddomiyaha Mu’asastul Al-karam mudane Faysal Maxamed Cumar
“waxaan u sheegaynaa walalahayaga iyo qeyrkoodba in mu’asasatul Al-karam waxii lagu soo hagaajiyo ama waxii ay qaybi is tidhaahdo halkii ugu fiicnayd iyo sidii ugu fiicnayd ay u gaadhsinayso sidaad ogtahiina ay qaab wanaagsan ugu qeybisay iyada oo la kaashanaysa guddomiyaha degmada iyo maamulka degmada Dila oo runtii si hagar la’aana u shaqeeyay aad iyo aad ayaan uga mahadnaqaynaa walalahayaga,waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaatan meel kasta oo ay joogan walalahooda dhiban sidii loo cawin lahaa”Ayuu yidhi
Waxaa hadalka soo gunanaday Guddomiyaha degmada Dila mudane Ibraahim Cabdi xaaji, waxaana uu ugu horeyn u mahadnaqay Dadka is xilqaamay isla markaasina deeqdan soo gaadhsiyay walaalahooda abaareysan isaga oo ku tilmaamay in xili loo baahna ay ku soo hagaajiyeen keenista iyo bixinta deeqdani isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “wakhtigan aan imika joogno waa wakhtiga la yidhaa jirka,waa wakhtiga abaartu dadka soo naafaysay oo xoolahii soo dhamaysay ee ay dadku soo jilceen, isla markaasna roobab mahiigana oo xoolahi iyo dadka waxii hadhay aanay qaadi Karin ay ku da’aan wax ay cunaana aanay haysan jir markaasa la yidhaahdaa”
Guddomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray “waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya wakhtiga wanaagsan ee ku haboon ee ay ku soo beegen culimadan inoo kentay raashinku aad iyo aad ayaan uga mahadnaqaynaa”Ayuu yidhi guddomiyahu
Gaba gabadii ayaa waxa halkaasi rashin loogu qaybiyay dadkii ay abaaru sameeyen isla markaasina iskugu jiray rag iyo dumar, waxaana ka mid ahaa rashinka loo qeybiyay Bariis,Sonkor,Caano,Saliid iyo daqiiq waxaana ay ka koobnayeen qoyaska halkaasi loogu qaybiyay raashinku in ka badan 750 qoys.
Arabsiyonews.net
Arabsiyonews@gmail.com
Hargaysa Office








































