Arabsiyo News—–Murashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo manta shir jaraa’id ku qabtay magalaada hargeysa ayaa ka hadlay faragalin qaawan oo uu sheegay inay xisbiga UCID ku hayo gudoomiye Muuse Bixii iyo ganacsade Ina Aw Siciid waxaana uu ugu baaqay inay faraha kala baxaan xisbiga.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.
“iyada oo aynu awalba ogayn oo cid walba aanay ka qarsoonayn in gudoomiye Muuse burburinayo xisbiga UCID sidii uu usoo burburiyay xisbiga KULMIYE, oo sidii uu marba u lahaa hebel iiga reeba inuu maantana damcay inuu yidhaa xisbiga UCID waxaan ka samaysanayaa musharax waraabow-taaga, waana dhaqan siyaasadeed aynaan waligeenba arag oo ay ka muuqato digteetarnimo iyo cagojuglayn iyo afduub dimuqraadiyadeed”sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay.
“Musharaxnimadayda Muuse ma badali karayo afkiisa kuma badali karaayo, iyo waxii ay taageerayaasha xisbiga UCID ay doorteen, waxaanan leenahay Muusow adigu cidaad doonayso kula tartami mayso, xisbiga Ucid cidii ay caleemo saarto uunbaa kula tartamaya ee raganimadaada isku soo istaaji”Sidaas ayuu yidhi Aqoonyaha Jamaal cali Xuseen.
Dhanka kalena aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka hadlay suldaan dhaawan lagu caleemo saaray magaalada hargeysa oo uu ku eedeeyey inuu gudoomiye Muuse Bixii Cabdi dabada ka riixayo waxaana uu yidhi
“Waxaad ogtihiin in maalin dhawayd magaalada hargeysa lagu caleemo saaray suldaan Waraabow-taaga oo uu isagu ka dambeeyey oo xisbiga KULMIYE-na uu qirtay oo uu yidhi cadaabaha Ayaan ka waraabinaynaa cidii hor istaagta, waa waxyaalo ugub ku ah siyaasada Somaliland, suldaanka uu kazoo horjeedaana Muuse-na waa suldaankii halkaa keenay ee manta kursiga saaray ee yidhi codka hala siiyo”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
Si kastaba ha ahaatee hadalkan kazoo yeedhay musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen ayaa ka danbeeyey kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex galay masuuliyiinta xisbiga UCID.








