Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Ka Warbixiyay Kulamo Ay La Yeesheen Hayadaha Xidhiidka La Leh Wasaarada Xanaanada Xoolaha

0

Arabsiyo News—Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka warbixiyay kulamo ay layeeshay hayada cuntada iyo hay’ado kale oo xidhiidh la leh wasaarada xanaanada xoolaha.

Sidoo kalena waxa uu wasiirku sheegay in todobaadka fooda inagu soo haya ay bilaabi doonaan qorshe ay kaga hortagayaan waxyeelada ay abaartu u gaysatay xoolaha.