Arabsiyo News—Wararka dalka Belguim-ka ayaa sheegay Najiib Laakrahoi, oo ahaa maskaxdii kaddanbeysey Weerakii ka dhacay shalay dalka Belgium-ka in la qabtay.
Booliska dalkaasi ayaa baadhitaano dheer oo ay illaa xalay waday ayaa maanta goor dhaweyd shaaciyey inay gacanta ku dhigeen maskaxdii kadanbeysey weerarkii shalay ka dhacay caasimadda dalka Belgium-ka ee Brusseles.
ka bilow Bidix: Khalid iyo Brahim el-Bakraoui,waa walalao raggii ismiidaamiyey,Midig:Waa Nagiib Laakrahoi waa maskaxdii kaddanbeysey.
Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo walaalo ah,halka Najiib Laakrahoi-na uu ahaa ninkii saddexaad ee goobta ka baxsadey.
Labadda qof ee kale ee weerarka fuliyey ayaa waxaa warbaahinta ay ku sheegeen Khalid iyo Brahim el-Bakraoui, oo ah walaalo. Khalid ayaa da’diisa lagu sheegay 27 sano jir, halka Brahim uu ahaa 30 jir.
Najiib Laakrahoi waa nin 24 sanno jir ah, wuxuuna kusoo barbaaray isla dalkaasi Belgium-ka gaar ahaan Brussels, waana nin ay aad u garanayaan Booliska dalkaasi.
Najiib ayaa waxaa hada laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaal dhinaca Waqooyi Galbeed ee magaalada Brussles gaar ahaan magaalada Anderlect
Qaraxyadii shalay gil-giley caasimadda dalka Belguim-ka,qaraxyadaasi oo ahaa Saddex ayaa shalay ka dhacay magaalada Brussels, waxaa ku dhintay 34-qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 200-qof, qaraxyadan ayaana xaalad cakirnaan ah ku abuuray dalka Belgium-ka.









