Arabsiyo News—Waxaa maanta Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday weerarkii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab todobaadkii hore ku qaadeen baar kuyaala xeebta Liido halkaasi oo lagu laayay dad badan oo shacab ah.
Banaan baxa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Dadkii kasoo qeyb galay banaan baxa ayaa watay boorar ay uga soo horjeedeen weerarkii dadka badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay xeebta Liido ,iyo boorar kale oo lagu canbaareenayay xarakada Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan hab dhaqanka Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in kooxdaasi ay hada joogto gabo gabo maadama ay shacabku kasoo horjeesteen ficiladooda.
Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac, waxa uuna canbaareeyay xildhibaanka weerarkii Al-Shababa ku qaadeen xeeta Liido, Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan si ay cadwgooda uga hortagaan.
Banaanbaxan ayaa imaanaya xili isbuucii hore dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar dad badan oo shacab ah lagu laayay ay ku qaadeen baar kuyaala xeebto Liido, weerarkaasi ayaan noqday mid damqiyay quluubta dadka Soomaaliyeed.














