Masuuliyiin ka tirsan Xisbi Xaakimka Kulmiye oo ku baaqay in diwaan galinta la joojiyo iyo xaaladona sabab uaga dhigay

0

Arabsiyonews:-Masuuliyiin ka Tirsan Xisbiga tallada dalka haya ee Kulmiye oo kala ah Xildhibaan Ibraahin Kacaan, Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan iyo Agaasimaha guud ee wasaarada Boosta iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh ayaa ka hadlay Abaaro ba’an oo ka jira Deeganada galbeedka Somaliland waxaanay Xukumada, Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland ugu baaqeen in loo gurmado dadkaasi, waxa kale oo ay sheegen in loo baahan yahay in dib loo dhigo diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, madama aanay dadkii is diwaangalinayey ay u qaybsameen qaar dalka gudihiisa Macaluuli ku hayso iyo kuwo  xuduudka ka talaabay.

Sidaasi waxay ku sheegen Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo dhigo diwaangalinta codbixiyaasha madama dadkii ay farro baas ku hayso abaari waxanu yidhi. “Gobolada Galbeedka Somaliland waxa ka jira Abaaro runtii marka aad aragtid aad ka naxayso, Duunyadii ku dhaqnayd dhulkaasi way dhamaatay, waxana ugu sii daran marka aad Hargeysa Galbeed uga baxdid, ilaa Gobolka Awdal, marka Madama oo ay Abaarahaasi jiraan waa in dib loo dhigaa Diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, waayo dad is diwaangaliyaba lama hayo, xaata heerkii laynaga doonayey ma gaadhayaan, marka tiradii Dadku yaraato dee layna aqoonsanmaayo,  marka waxaan leeyahay diwaangalinta dib ha loo dhigo” ayuu yidhi Xassan Cawaale.

 

Xildhibaan Xassan Cawaale Waxa kale oo uu soo jeediyey in lacag laga jaro Saddexda Golle Qaran, Barlamaanka, Golaha wasiirada iyo Garsoorka, si loogu gurmado dadkaasi, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay soo arkeen Dunyadii oo dabbar go’day.

Xildhibaan Ibraahin kacan oo ka hadlay isaguna shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in loo bahan yahay Gurmad qaran, isaga oo Madaxweynaha Soamliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka codsaday in uu dalka galiyo xaalad degdeg ah.

 

Waxanu yidhi. “waxaanu halkan qaylo dhaan uga diraynaa, madaxweynaha Somaliland oo aanu u sheegayno in abaarihii Barri iyo Galbeedba oo waliba galbeedku sii darna yahay ay faro baas ku hayaan, oo aanay Xoolo noolayn, dad noolayn, marka maanta waxa loo bahan yahay gurmad qaran, marka madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa in uu dalka galiyo, xaalad degdeg ah, oo wixii hanti  ah ee aynu hayno dhulka dhigno loona jeedsado gurmadka dadka iyo Duunyada hadhay”Ayuu yidhi Xildhibaan Kacaan.

Isaga oo ka hadlayaa Arrimaha diwaangalinta waxa uu yidhi. “Maanta Diwaangalinbaa socota? Maxaa la diwaangalinba hadii dadkii dhintaan, dadkii ka u sokeeya waxa uu marayaa dhagax buur, kuwii dalka joogayna baad la’aan iyo biyo la’aanbay la fadhiyaan, marka aniga iima muuqato in diwaangalin la qabto”Ayuu yidhi

Agaasimaha guud ee wasaarada Boosta iyo isgaadhiinsta Faysal Cali Sheikh oo isaguna ka hadlay ayaa ka war bixiyey sida ay abaaruhu uga jirana Goboolada Galbeedka Somaliland isaga oo ka dayriyey abartaasi deeganadaasi ka jira.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office