DEG DEG: Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Muqdisho- Qarax dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhacay guriga ururka haweenka gaar ahaan Hotel Village ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayuu fuliyay qof isku soo xidhay walxaha qaraxa oo fadhiistay mid ka mid ah Hotel The Village ee magaalada Muqdisho.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay inta uu leeg yahay laakin dhaawac yo ayaa loola cararay cisbitaallada magaalada Muqdisho.

Goobta qaraxa lala beegsaday ayaa hore dhowr jeer ay qaraxyo uga dhaceen iyadoo ay qaraxyadaa ku dhinteen saxafiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsanayd dowlada Soomaaliya. burbur xoog leh ayaa mar kale soo gaadhay maqaaxida The Village.