Hargeysa(Arabsiyo News)-Xildhibaan Xaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo xaalad caafimaad loogu qaaday dalka debadiisa, ayaa gaadhay Magaalada Addis-ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Safiir ku-xigeenka Safaarada Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye ayaa Xajiga iyo xubnihii la socday ku soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee (Bole International Airport Addis Ababa) . Geesta kale sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha Caafimaadka Xaji Cabdi Waraabe waxa la filayaa in dalka Itoobiya looga sii qaado dhinaca waddanka Imaraadka Carabta.
Xaji Cabdi Waraabe ayaa ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golayaasha Qaranka Somaliland, wuxuuna muddo dheer ku soo jiray Saxadda nabadaynta iyo odaytinimada, isagoo Xajigu 17-jir ku noqday Caaqil.









