Hargeysa(Arabsiyo-News)-Dowlada Kenya Oo Sharci Yaableh Ku Soo Rogtay Takaasileyda Wadankaasi Iyo Ciqaabta Ay Marayaan
Dowladda Kenya, ayaa waxay ku dhawaaqday sharci cusub oo lagu ciqaabi doono takaasileyda, haddii aanay fulin awaamiir cusub oo lagu soo rogay.
Sharcigan oo ku saabsan nadaafadda, ayaa waxaa dadka takaasileyda lagu amray inay qubeystaan/meedhaan, ka hor inta aanay shaqada soo gelin, isla-markaana ay nadaafadda dhawraan.
Bayaan ay soo saartay Dowladda, ayaa lagu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono shakhsiyaadka ka tirsan takaasileyda, haddii bilaa nadaafad lagu qabto.
Warbaahinta Kenya, ayaa qortay in bulshada ay cabasho ka muujisay nadaafad xumada takaasileyda, kuwaa oo qaarkood sida la sheegay aanay kaba fekerin xuquuqda dadka ay masuulka ka yihiin.
Takaasileyda, ayaa sidoo kale lagu dhaliilay inaanu qaarkood caafimaadkoodu wanaagsanayn, taasina ay halis gelin karto nolosha dadka saaran takaasidooda.








