Warbixin:Safarka Madax-weyne Siilanyo Ee Bar-bara oo Shaki Badan Galiyay Shacbiga ku dhaqan magaalada+Dekada ber-bera oo wareejinteeda laga cabsi qabo

0

Ber-bera(AN)-Madax-weynaha Somaliland Ayaa Saaka Waxaa uu safar aan hore loo shaacin ugu anbabaxay Magaalada ber-bera ee Xarunta Gobalka Saaxil, Madax-weynaha ayaa waxaa Safarka Ku wahelinayay Masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Emrite-ka Carabta Danjire baashe Cawil Cumar, Wasiirada Wasaarada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Nacnac, Khadar Cali Gaas iyo Waliba Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Deyr.
Axmed Maxamed (Siilanyo) iyo Waftiga uu hogaaminayay ayaa waxaa ay ka anbabaxeen caasimada hargaysa abaaro 12:30 Duhurnimo, Wax yar kadib Markii ay gaadheen Magaalada ber-bera ayaa duleedka magaalada kaga horyimid dad-weyne ka mida dadka ku dhaqan magaalada iyo Masuuliyiinta Gobalka oo uu u horeeyo Maareeyaha Dekeda Ber-bera Mudane Cali Xoor Xoor, Madax-weynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa loo soo galbiyay dhinacaas iyo Madax-tooyada Magaalada Ber-bera,
Safarka madax-weynaha ayaa waxaa inta badan uu shacbiga ku dhaqan magaalada ber-bera ku abuuray Walaac iyo Cabsi ay ka qabaan in lagu wareejiyo Shirkade shisheeye Dekada Magaalada ber-bera taasi oo warar badan oo ka soo baxaya safarka madax-weynahu sheegayaan in uu qorshaha wareejinta u yimid madama oo uu waftiga madax-weynaha ka mid yahay Danjiraha Emirate-ka oo inta badan looga shaki qabo in gacan uu ka geysto sidii shirkado shisheeye loogu wareejin lahaa dekada taasi oo hadal haynteedu bilooyinkii u danbeeyayba socotay.
Arintani ayaa sidoo kale waxaa ay walaac ku dhalisay Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid La’aantiisa Magaalada Ber-bera Ee Gobalka Saaxil, waxaana arintaasi ka hadashay Rooda Axmed Yaasiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga ee Gobalka Saaxil.
Danjire Baashe Cawil Cumar oo ka mida Qoyska madax-weynaha isla markaasina uu madax-weyne Siilanyo 30 bisha Jun ee Sanadkan aynu ku guddo jirno u magacaabay Wakiilka Dalka Iskutaga Imaradka Carabta ayaa ilo-wareedyo u dhuundaloola sababaha Madax-weynaha ku Kaliftay Wiil ka soo jeeda Qoyskiisa in uu Xilkaasi u dhiibo, ayaa lagu sheegay in shirkado Dalka Emirate-ka Carabta Ka jira iyo Kuwo Kale oo Aad u Daneynaya Dekada ber-bera Maamulkeeda in uu Kulamo La Yeeshay Kalana Sheekaystay Arimaha Dekada ber-bera, Balse Ma Cada ilaa hada shirkada la rabo in xukumadu ku wareejiso dekedaasi oo ka mida dekadaha Ugu Weyn Geeska Africa.
Xukumada Madax-weyne Siilanyo hogaaminayo ayaa waxaa ay Hore u Wareejisay Haamaha shidaalka Magaalada Ber-bera 19 bisha October ee sanadka aynu ku guddo jirno, Golaha Sharci-dajinta Somaliland ayaana Laalay Mooshinkaasi Xukumadu Ku rabtay in Haamasaasi Ay ku wareejiyaan taasi oo sababtay in Xukumadu Si badheedha u Wareejiso.
Hadaba madax-weynaha Somaliland iyo Waftigan uu hogaaminaayo ee ber-bera ku sugan ayaa Safarkan Aan hore u shaacin iyada oo warar Ay madax-tooyadu safarka madax-weynaha ka soo direena ku sheegen in safarkani khaas u yahay madax-weynaha balse ma cada in shirkade shisheeye gacanta loo galiyo Dekeda magaalada Ber-bera.
Madax-weynaha Somaliland iyo Xukumadiisa ayaa Waxaa ay ku jirtaa Xili muddadii loo kordhiyay ay gabaabsi ku dhawdahay.
Staff Arabsiyo News
UK/Office