Hargaysa(AN)-Dr:Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Go’aanka golaha degaanka ee degmada Tower Hamlets ee magaalada London ku aqoonsanayaan Somaliland
Galaha Degmadaasi ayaa habeen hore la horkeenay mooshin ku aadan aqoonsiga Somaliland oo ay riixayeen haweenay reer Somaliland ah oo golahaasi ka tirsan, wuxuuna golahaasi si aqlabiyad ah u ansixiyay mooshinkaasi, iyagoo sidaasi kaga mid noqday goleyaal degaan oo Ingiriiska ka tirsan oo aqoonsaday Somaliland.








