Hargaysa(AN)-Waxaa maanta Magaalada Ceerigaabo ka dhacay mudaharaad ay ka dhasheen rabshado qaar ka mida dad-weynaha ku dhaqan halkaasi ku dhaawacmeen,
ugu yaraan 4 ruux ayaa ku dhaawacmay rabshadahaasi kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimad cisbitaalka guud ee magaalada ceerigaabo, labba ruux oo ka mida 4 qof ayaa xaaladoodu culustay sida ay sheegeen qaar ka mida masuuliyiinta cisbitaalka lagu daweynaayay dhaawaca joogay
Dad cadhaysan ayaa taayaro iyo dhagaxaan ku gubay wadooyinka Halbawlaha u ah magaalada, arintani ayaana waxaa ay ka dhalatay kadib markii ay ciidamada amaanka ee gobalkaasi isku dayeen inay qabtaan Saarkaal Ka mida ciidanka booliska ee magaaladaasi oo lagu tuhmay waxyaabo amiga lidi ku ah isla markaasina ay ciidanku sheegen inuu haysto hub.
Hargaysa/office
Arabsiyonews








