Madax-weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Magacaabay 6 Xubnood ee golaha dhexe uu ku yeelan doono

0

Hargaysa(AN)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Md Saylici, ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada lixda xubnood ee uu isagu magacaabo ee uu ku yeelan doono xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isaga oo sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu u gudbiyay hogaanka sare ee xisbiga.

Lixdan xubnood ee uu magacaabay Madaxweyne Ku xigeenku, ayaa Seddex ka mid ahi ay ka soo jeedaan gobalka Awdal, halka Seddexda kelena ay ka soo jeedaan deegaanada gobalada kale ee Somaliland, waxaanay magacyadoodu kala yihiin,

Cismaan Barkhad Xirsi

Abiib Xasan Filfil

Cabdirashiid Axmed Guuleed

Ibraahin Xasan Axmed

Xasan Qaalib Kaamil

Axmed Cali Maxamuud