War degdega Madaxwayne Siilaanyo “Bosaska ay baneeyeen dad badan oo buuxinayaa way joogaan cidii ila shaqaynaysa ayuun baan diyaar u ahay”

0

Hargaysa(AN)Madaxwaynaha S/land Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in Xubnaha baneeyey xilalka Wasiirnimo la buuxinayo  xili uu  iscasilaada kadib wasiirada uu lahadlay idaacada afkasomaaliga ee BBC

Madaxwayne Siilaanyo ayaa u waramayey Wariye Axmed Siciid Cige waxaanu  yidhi Madaxwaynuhu isagoo ka hadlaya Xubanaha baneeyey jagada Wasiirnimo ee Xukuumadiisa waxaanu yidhi

“Dawlada Madaxwaynaa Jiraa hadii ay  iscasilaana oo ay saluugaan Xukuumadii ay ka tirsanayeen cid kale uun baagali booskooda ”

waxa kale oo Madaxwayne Siilaanyo ka hadlay nidaamka Xisbiga Kulmiye  isagoo sheegay in uu tageerayo halka aqlabiyadu marto waxaanu yidhi Madaxwaynuhu

“Xisbigu nidaam ayuu leeyahay halka ay aqlabiyadu marto ayuun baan marayaa  ,boosaskaa ay baneeyeena dad badan oo buuxinayaa way joogaan cidii ila shaqaynaysa ayuun baan diyaar u ahay”

Madaxwaynha S/land ayaa sidoo kale wax ka waydiiyey Wariye Axmed Siciid Cige in uu isasoo sharaxi doono shirka Golaha Dhexe ee loo balan sanayahay 10 November waxaanu yidhi

“hala gaadho wakhtigeeda ka hordhici maayo ”

Hadalkan Madaxwayne Siilaanyo ayaa lafilayaa in sida ugu dhakhsaha badan usoo magacaabo xubnaha badalaya Wasiiradii baneeyayey jagada Xukuumadiisa

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office