Guurtida Somaliland oo Sheegtay Inaanay Wadda Hadal La Galay Mucaaridka iyo Xukuumadda.

0

Hargaysa(AN)-Golaha guurtida Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inanay wax wada hadal ah la galayn xukuumadda isla markaana go’aankoodii sharci yahay.

Afhayeenka golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho ayaa sheegay inaanay aqbalay wax wada hadal ah oo ay la galayaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka isla markaan ka noqosho lahayn go’aankii muddo kordhinta ee ay dhawaan golaha guurtida Somaliland soo saareen.

Xisbiyada WADDANI,KULMIYE iyo UCID oo ay weheliso xukuumadda ayaa hore u soo saaray go’aan ka duwan ka ay golaha guurtida Somaliland soo saaree.

 

Arabsiyonews.com

Hagaysa Desk