Dawladda Iiran Oo U Yeedhatay Safiirkeeda Sucuudiga

0

Tehran(AN)Dawladda Iiraan ayaa u yeedhatay Safiirkeeda Sucuudiga kadib markii labada dal ku kala aragti duwanaadeen arrimaha dalka Yemen.
Wakaalada Wararka ee IRNA, ayaa tabisay in dawladda Iiraan u yeedhatay Safiirkeeda kadib markii Sucuudigu Eedo u jeediyay. Iiraan ayaa eedo aan sal iyo raad lahayn ku tilmaantay Eedaymo uga yimid afhayeenka Duqaymaha Isbahaysiga Sucuudiga hogaamiyaa ka wadaan Yemen uu ku sheegay in Iiraan iyo Ururka Xisbullah tababaraan Kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen Dagaalka ka wada.
Arrintan ayaa imanaysa iyadoo shalay Sucuudigu dalkiisa ka celiyay diyaarad Iiraan ka timid oo siday dad u socda inay gutaan Cibaadada Cimrada. Sucuudiga ayaa ku dooday inaanay Ogolaansho ka helin duulimaadka Diyaaradda.
Dawladda Sucuudiga ayaa iyo Iiraan ayaa aad ugu kala fogaaday qaddiyadda Yemen. Sucuudiga ayaa hogaaminaya Isbahaysi goboleedka duqaynaya Xuutiyiinta, halka Iiraan taageerayso Kooxda Xuutiyiinta ee gacanta ku haysa Caasimada Sanca haddana ku sii siqaysa Magaalada

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk