Maraykanka Oo Liiska Argagixisada Ka Saaray Waddanka Cuba

0

Panama City(AN)Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry, ayaa kulan taariikhi ah kula leh Caasimada Jamhuuriyadda Panama Dhigiisa Cuba Bruno Rodríguez. Kulankan ayaa lagu macneeyay kii ugu heer ka sareeyay dhex mara Maraykanka iyo Cuba muddo nus qarni ku siman.
Kulanka labada Masuul ayaa ah mid Albaabadu u xidhan yihiin, balse Waaxda Arrimaha dibada Maraykanka ayaa boggeeda Twitter-ka soo dhigtay labada Masuul oo Qol wada fadhiya iyo igaya oo is gacan qaadaya.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha Cuba Raul Castro, ayaa ka dagay Caasimada Panama halkaasi oo ay kaga qayb qaadanayaan Shirka waddamada la isku yidhaa Americas oo Jimcaha iyo Sabtida halkaasi ka soconaya.
Embedded image permalink
Dawladda Maraykanka ayaa sidoo kale Cuba ka saaraysa Liiska Wadamada Argagixisada Maalgaliya oo sanadkii 1982 lagu daray Cuba, Syria,Sudan iyo Iran. Liiskan ayaa Cuba ku jidaynayay inaanay dunida macaamil la yeelan Karin, waxaanu ka mamnuucayay Hubka, wax dhoofinta, Caawimada Dhaqaalaha iyo dhinacyada Maaliyadda, iyadoo aan fursad u helayn inay dayn ka hesho Bangiga Aduunka iyo hay’addaha kale ee daynta bixiya.
Liiska Argagixisada oo laga saaro Cuba ayaa horseedaysa in xidhiidh diblamaasiyadeed oo wanaagsani dhex maro Cuba iyo maraykanka kadib muddo dheer oo xafiiltan ka dhexeeyay labada waddan.

 

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk