Madaxxwaynaha S/land oo qaabiley wafti uu hogaaminayo Wakiil Maraykanka ufadhiya Kenya.+ Sawiro

0

Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminaayo Wakiilka maraykanka u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Brain H. Phipps.

Waxaana kulankan madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Maaliyada, wasiirka Gaashaandhiga, wasiirka waxbarashada, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda, iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha JSL.

Shirka ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka madaxtooyada iyo wakiilka weftiga hogaaminaayey.

 

CSC_0047 DSC_0043 DSC_0050 DSC_0059 DSC_0074 DSC_0077 DSC_0085
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk