Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo+ Hankiisa Siyaasadeed.

0

Hargeysa(AN)-Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo haatan Midawga Africa iyo Midawga Yurub kala shaqeeya xallinta khilaafaadka Mandaqada Bariga Africa ayaa ka hadlay aragtida beesha Caalamka ee Doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay inay rabaan in doorashada sanadkan la qabto.

“Dhinca doorsshada, inkastoo Guddiga Doorashooyinku sheegeen in dibudhac iman karo, wadamada Somaliland ka taageera dhinaca dooroshooyinku waxay leeyihiin waa in doorashadu dhacdaa sanadkan 2015 gudihiisa. Waa arrin u baahan in saddexda xisbi si wadajir ah uga wada tashadaan, oo aanay dalka khilaaf ku keenin. Caalamkana ay u sheegaan waxa ay heshiis ku yihiin.”ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillaahi oo Geeska Africa la hadlay

Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadda jooga Nairobi Isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay in hadalkiisani muujin karo inay Madaxweyne Siilaanyo kala fogaadeen wuxuu yidhi “Aarrinta ku saabsan xidhiidhkaa aniga iyo madaxwayanaha ee aad i waydiisay, waxaan leeyahay xidhiidhkayagu waa xidhiidh wanaagsan. Markii hore aniga iyo madaxwaynahaha waxaanu kawada shhaqayn jirnay xukuumadda, haddana waxanu kawada shaqaynaa nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka mandaqadda uu madaxdeeda ka midka yahay.”

Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyay hankiisa siyaasadeed oo uu hore u tibaaxay inuu beegsanayo hoggaanka dalka wuxuu yidhi “Qorshahayga siyaasadeed waxaa ka mid ah in aan hoggaanka dalka ku guulaysto anigoo aaminsan inaan horumar muuqdaa ku biirin karo.”

Ugu dambayn waxa uu Maxamed Cabdillaahi ka jawaabay sida uu u arko safiirada uu Madaxweyne Siilaanyo xilalka ka qaaday iyo kuwa uu u magacaabay Kenya iyo Djibouti, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Safiirka Jabuuti Somaliland u fadhiyay wuxuu soo gudbiyay codsi ah in doonayo inuu shawada ka tagayo muddo sanad iyo badh ka hor ah, wakiilka Kiiniya na wuxuu ku maqnaa xanuun waxaanu doonayay inuu booska baneeyo. Markaa isbedel la sugayay muddo ayay ahaayeen.

Laba dal waa u muhiim Somaliland. Gaar ahaan Kiiniya oo ah meel Diplomaasiyiinta shisheeye ee joogaa ay saamayn wayn ku leeyihiin Somaliland, loona baahan yahay inay Somaliland mar kasta ka muuqato.”

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk