Laba Nin Oo Ku Geeriyooday Tuulada Udaan ee Degmada Arabsiyo Iyo Eheladoodii Oo Ka Hadlay

0

Arabsiyo(AN)-laba nin  ayaa ku geeriyooday kadib markii uu ku dumay ceel biyood ay qodayeen tuulada Udaan ee dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

Alle ha u raxmadee Marxuum Saleebaan Ciise Xasan iyo Mawliid Cabdi Ciise ayaa ceel biyood ka ku dumay awgeed u geeriyooday .

dhimasho

Mid ka mida ah ehelada labadda nin ee u geeriyoday ceel ka ku dumay, oo lagu magacabo caaqil Muuse ciise oo khadka telifoonka himilomedia uga waramay geerida naxdinta leh ee ku timid labada marxuum, islamarkaana sheegay in labada marxuum hal qoys ka soo wada-jeeden adeerna isku ahaayeen.

 

Caaqilka Muuse ciise waxana uu intaasi ku daray in  labada nin ee geeriyooday maydkoodii laga soo saaray ceelkii ku dumay abaaro 5 galabnimo  balse ilaa hadda aan la aasin

 

Arabsiyonews.com

Arabsiyo Office