Hargaysa(AN)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa maanta xilkii Wasaaradda Beeraha ku wareejiyay Wasiirka Cusub ee dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay Dr Maxamed Daahir Ibraahin.
Xil wareejintan oo ka qabsoontay Imperial huteel Waxaa ka qayb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Shaqaalaha Wasaarada beeraha, iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin.
Wasiirkii hore ee Wasaarada beeraha haatana ah wasiirka Waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole ayaa ka waramay Waxyaabihii u hirgalay Mudadii uu xilka wasaaradaas hayay
Dhinaca kale wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha Dr Maxamed Daahir Ibraahin ayaa balanqaaday inuu Xilka Culus ee loo igmaday uga soo bixi doono si Xilkasnimo leh








