Hargeisa(AN)-Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in darafka bari ee Somaliland bulshada degtaa qabto tabasho xooggan oo dhinaca xilalka, shaqaalaha iyo horumarkaba ah. Wasiirka oo lagu waraystay Barnaamij ka baxa Telefishanka Universal, ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrintaasi wax laga qabto.
Wasiirka oo la waydiiyay siduu u arko aragtida ah in Beesha dhexe Somaliland awooddeeda u badan tahay waxa uu ku jawaabay “Arrintaas iyada ah waxaan isleeyahay kuma khaldana qof kasta oo yidhaahda Khayraadkii dalku ma qaybsana, annigoo Wasiir ahna waan leeyahay Maanta horena waan u idhi”, ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inay dalka ka shaqeeyaan ilaa 14 Kun oo shaqaale ah. Waxa laga yaabaa in saddexda Gobol ee Bari iyo galbeed ugu xiga Somaliland(Awdal, Sool iyo Sanaag), inaan shaqaalahoodu gaadhin kun iyo shan boqol oo shaqaale ah” ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq.
Wasiirka ayaa sii sababeeyay Arrinta Shaqaalaha “Haddii maanta la yidhaa Kun Qof oo shaqaale ah baa la kordhiyay, Imtixaankii Hargeysa ayaa lagu qaadayaa, intee baa intay Laascaanood ama Ceerigaabo intay ka yimaadaan halkan(Hargeysa) soo gaadhi kara oo Imtixaan ku gali kara, waa laga yaabaa Qolada reer Boorama inay uga dhaw dahaye, ama Saylac intay ka timaado halkan Imtixaan ku gali karta”
Wasiirku waxa uu sheegay inay haboon tahay in laga yeesho siyaasad arrintan “Waxaa haboon in siyaasad cad laga yeesho arrintaasi oo bal ugu yaraan boqolkiiba konton halkan(Hargeysa) halaga dhigee inta kale Gobolada kale la gaadhsiiyo”
Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa kale oo uu sheegay inay dhaliili ka jirto dhanka Xilalka sare “ xagga xilalka laftigeeda marka laga hadlayo, waxaa laga yaabaa wasaaraddaheena 26-ka ah Agaasimeyaashooda waaxyaha iyo isku duweyaasha marka la isku geeyo waxaa laga yaabaa inaanay Gobolada darafyadu boqolkiiba shan ka noqon, markaa runtii tabashadu way jirtaa” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka ayaa soo jeediyay in si arrimahaasi wax looga qabto shaqaalaha loo qaybiyo gobolada dalka, sidoo kalena Xilalka sarena la qaybiyo. Waxa uu sheegay in haatan qayb ahaan tabashadii reer Awdal laga jawaabay markii ay cabashadooda soo gudbiyeen kadib.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








