Hargeysa (AN)- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo afar qof oo la socday, ayaa laga soo badbaadiyey daad xooggan oo maraayey dooxa Dacar Budhuq.
Abwaanka iyo afarta qof ee la socday oo ku sii jeeday magaalda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa gaadhigii ay wateen uu la qaaday daadku, waxaanay dadkii goobtaas ku sugnaa badbaadiyeen Hadraawi iyo dadkii la socday.
Abwaab Hadraawi oo Hadhwanaag khadka telefoonka ugu warramay, ayaa sheegay in ay isaga iyo xubnihii saarna gaadhiga ay wateen oo ahaa nooca la yidhaa Land cruiser uu ka bixi karo dooxa, balse ay biyaha oo xoog badnaa la tageen, waxaannu yidh; “Adeer ballanka Ilaahay hadda xabaal baannu ku jiri lahayn, haddii aannu Ilaahay noo soo diri lahayn dadka na badbaadiyey Al xamdulilah baan Ilaahay ugu mahad celinayaa.”








