Dawlada Malta Oo Sheegtay Hoos U Dhac Ku Yimi Dadka Magengelyo Doonka Ah, Iyo Tirada Soomaalida, Joogta Jasiirada Malta

0

Wakaaladaha Wararka-(AN)- Dawladda Jasiirada Malta, ayaa daboolka ka qaaday in tirada dadka tahriibayaasha ah ee magangelyo doonka ah oo ay dad Soomaali ahi ku jiraan in ay hoos u dhacday sannadkan, marka la barbar-dhiggo tiradii sannadihii hore.

flag(2).jpg

Dawladda dalka Malta ayaa, sheegtay in 1,350 qof oo magan-gelyo-doon ah, oo ay ku jiraan dad Soomaali ahi, in ay haatan ku sugan yihiin Jasiirada Malta, tiradaas oo ka dhiggan in 40%, ay hoos u dhacday Tirada dadka Magangelyo doonka ah ee Jasiiradda yimi, marka la barbar-dhigo tirada dadkii magangelyo doonka ahaa ee Jasiiradda yimi sannadkii a2013-kii, oo tiraoodu ahayd Laba Kun Laba Boqol iyo
Shan Iyo Afartan qof.

Dadka Soomaalida ah ee tahriibayaasha ah ee immika ku sugan Jasiirada Malta, ayaa tiradooda lagu qiyaasay Laba Boqol Iyo Shan Iyo Siddeetan Qof.

Tahriibayaasha magangelyo doonka ah ee imanaya Jasiiradda Malta, si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub, ayaa safaro khatar badan leh oo galaafta noloshooda isku soo biimeeya
Maxamed Juba Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland