Arabsiyo(AN)Haween Waynaha Dagmada Arabsiyood ayaa,Galabta ku Wareejiyay KHarash ay kaga qaybqaadanayeen dib udhiska Miskiid Jaamica Dagmada Arabsiyood,
oo Ay ka Socoto Dib udhis,iyo Balaadhin Lacagatan ay haweenka Dagmada Arabsiyood kaga qayb qaadanayeen ayaa Cadadkeedu Dhan yahay,5,750,000~ SL iyo 825$,waxaana ka Gudoomay Imaamka Miskiidka Sh Axmad Faarax,
Waxaanay ugu baaqeen,Bulshada Gobolka,Gaar ahaan Reer arabsiyood inay u istaagaan Sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Dib u dhiska Ka Socda Miskiid jaamica Dagmada Arabsiyood oo ahaa Miskiidada Ugu da’da weyn Jamuuiyada Soomaaliland .waxa kaloo ay Ka dhawaajiyeen,inay kala qaybqaadan,doonaan Gogosha hadii Ale yidhaahdo,
Guntii iyo gabagabadii Waxa Isna halkaa ka hadlay Imaamka Miskiid jaamuca Sh Axmad Faarax oo ku Amaanay haweenka Magaalada Dadaalka ay ugaleen Siday uga qaybqaateen Miskiidka,Sheegayna inuu Ilaahay ugu Badalo Waxkhayrle halkay kasoo Saareen,
Waxaanu Ugu baaqay Ganacsatada iyo Aqoonyahanka iyo dhamaan Waxgaradkuna inay ka qaybqaataan Miskiid Jaamica Dagmada Arabsiyood
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo office













