Muqdisho(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii u magaalada Sharm El Sheikh ee dalka Masar kaga soo qeybgaley shirkii caalamiga ahaa ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.
Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, baarlamanka, taliyeyaasha ciidammada iyo mas,uuliyiin kale.
Advertisements
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa uu khudbad ka jeediyay shirkaasi ku saabsanaa dhaqaalaha Masar, isagoo sidoo kale kulamo la qaatey Madaxweynaha Masar, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo wufuud kale.
Xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Isgaarsiinta, Guuleed Xuseen Qaasim, Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali iyo Wasiir ku Xigeenka Qorsheynta Cabdullaahi Sheekh Cali, ayaa iyaguna waxay kulamo muhiim ah la qaateen wasiiro iyo madaxda shirkado caalami ah,iyagoo ka wadahadley horumarinta iyo maalgashiga Soomaaliya.
Arabsiyonews.com
Muqdisho Office








