Maayar mudo badan ku taamayeen bulshada Gabiley oo maanta loo cumaamaday jagadaas

0

Gabiley(AN)Golaha degaanka Gabiley, ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku doortay Maayar cusub kadib markii Maayarkii hore loo magacaabay Wasiirka Warshadaha Somaliland.

Fadhi maanta Goluhu yeeshay ayaa cod loogu qaaday Maayarka cusub oo aanay jirin Cid la tartamaysay, waxaana Duqa cusub ee Gabiley loo doortay Xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi(Maxamed Amiin). Fadhiga oo ay ku sugnaayeen 18 Xildhibaan ayay intuba codkooda siiyeen Maayarka islamarkaana cid diiday iyo cid ka aamustay midna aanay jirin.

Mudane Maxamed Aamiin, ayaa ka soo baxay Xisbiga Ucid, waxaana madasha ku sugnaa Wasiir xigeenka Gobolada iyo degmooyinka wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Gabiley oo mudaneyaasha degaanka uga mahadceliyay sida hufnaanta leh ee ay iskaga dhex doorteen Maayar hogaamiya.

Maayarka cusub ee Gabiley Maxamed Aamiin  ayaa badiba dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley  intaan loo dooran jagada  maayarnimo  ay usaadalinyeen xilkaas taas oo ay fagaarayaasha magaalada Gabiley iyo suuq yada si wayn looga dareemayey farxad iyo rayn rayn ay ku soo dhawaynayaan duqa cusub ee hagi doona golaha degaanka  gobolkaas

Maayar Maxamed Aamiin ayaa waxaa sugaya hawl aad uculus iyo wado qodxaleh oo uu katagay Maayarkii hore ha ugu darnaato qasnadii uu dawlada hoose oo haawanaysa sida ay ila xogagaal ahi sheegayaan ayaa intaa ku dartay iyo shaqaalihii dawlada hoose ee bilaa mushahar ah,iyo daymo badan oo suuqa yaal

dadka udhuun daloola  xaalada maanta ay marayso Gabiley ayaa kalsaani wayn ku qaba Maayarka cusub sheegayna in uu yahay donta dagaysee maanta Gabiley ku sugan tahay in uu yahay Maxamed Aamiin ninkii samata bixin lahaa

 

Arabsiyonews.com

Gabiley Office