Hargeisa(AN)-Shaqaalaha diwaangalinta ayaa wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ku eedeeyay inay lacagtii diwaangalinta kala badh ka goysay .
Degmooyinka Baligubadle,Cadaadley,Sabo wanaag,sayla,Laasgeel ,daarsalaam,faroweyne iyo borama oo shabakada Tooshnews la soo xidhiidhay ayaa sheegay in wasiirka wasaarada maaliyada marwo Samsam Cabdi aadan ay lacagtii shaqaalaha diwaangalinta kala badh ka goysay “Wali bishi nalama siin ,wasiirkuna waxa ay naga goysay lacag dhan 25$ dollar,waxaanay sheegtay in ay cashuur ahaan u goysa”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalah diwaangalinta oo ka gaabsadayb inaanu magaciisa baahino.
Mid kale oo ka mid ah shaqaalah diwaangalinta oo la hadlay shabakada Tooshnews ayaa sheegay in dhamaan goobaha ay ka shaqeeyaan bisha uun lacag qaataan inta kale iyagu is dabaraan “annagaa kharashka isku qabna ,cid wax naga bixisaa ma jirto ee tukaamada ayaanu la macaamilnaa ,ciidaa wax leeg oo lacag ah ayaa nagu qoren ,dee bishaa ay kala badhka goysay ayaanu iskaga bixin jirnay,waanu ku dhibaataysanahay meesha dalkuunbaanu sharaftiisa eegaynaa”ayuu yidhi mid ka mid shaqaalaha diwaangalinta oo ku sugan degmooyinkaasi .Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland ayaa hore shaqaalaha diwaangalinta lacagtii ay qaadan jireen qayb ka jaray.
Sida ay shabakada Tooshnews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha diwaangalinyta ayaa sheegay in qofkiiba laga jaray lacag dhan 22 Dollar taasi oo uu markii hore bisha qaadan jiray 300 Dollar.Shaqaalaha Diwaangalinta ayaa cabasho ka muujiyay lacagtaasi aan heshiiskoodii hore ku jirin ee laga jaray taasi oo ay tilmaameen inay wiiqayso habsami u socodkii shaqada diwaangalinta.
Wasiirka wasaarada waxbarashada oo Shabakada Tooshenws la xidhiidhay ayaanay u suurogalin ay ku hesho khadka telefoonka.








