Hagreysa (AN) – Warar aan si rasimi ah looga soo saarin madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee maaliyada mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale uu dib ugu soo noqonayo xukumada uu hogaamiyo Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu hore u sheegay in aanu xil dambe ka qabanayn kad dib markii uu diiday xil wareegin uu madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey una ma magacaabay wasarada waxbrashada JSL oo ay hore u haysay Samsam Cabdi Aadan oo uu ku wareejiye xilkii wasaarada maaliyada.
Wararkan ku saabsan dib u soo noqoshada wasiirkii hore ee maaliyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay wada xaajoog iyo dib isku labqabayn laga sameeyey xaga wasiir Samaale, iyadoo awalba madaxweyne Siilaanyo aanu doonayn in uu xukumada ka saaro oo xil oo dhan ka qaado, balse meel kale uun u badalo, taas oo Samaale ka biyo diiday. Sida ilo warkan laga helayo ay tibaaxayaan waxa xil ka wareejintii hore ee uu diiday ku salaysnayd cabasho aya ka keeneen xubno aad ugu dhow marwada JSL, marwo Aamina-waris oo sida la sheegay uu ay mid yihiin xildhibaan Cali Mareexan iyo wasiirka duulista iyo hawada, Maxamuud Cabdi Xaashi oo lagu tiriyo in ay ka mid yihiin garab ka mid ah laba garab oo is kala xulufaysta, kuwaas oo kala raacsan gudoomiye Muuse Biixi iyo Cabid Max’d Samaale oo loolan qaawan oo musharxnimada madaxtinimo ee Kulmiye ee Siilaanyo dabadiid ku loolamaya.
Sidoo kale warar arintan dib ugu soo noqoshada xukumada Siilaanyo ee wasiir Samaale ayaa sheegaya in Samaale laga raali galiyey qaabkii ay u dhacday isku- shaandhayntu, taas oo isagoo shaqo ugu maqan gobolada bari ee Somaliland, isagoo aan lagu wargalin, lana so xidhiidhin aayar la yidhi xilkii wasaarada maaliyada waa lagaa warejyey, waxaanu kaga jawaabay in uu soo gaabiyo socdaalkiisi, Hargeysa na dib ugu soo noqodo.
Wararka arinkan ku saabsan ayaa sheegaya in dib u soo noqoshadiisu ay sidoo kale ay suurto gal tahay in ay dhalisay golaha wasirada oo u kala jabay laba kooxood oo si weyn looga dareemay shirkii xusbiga Kulmiye Khamiistii qabsaday oo garabka taageera Samaale ka maqnaayeen, inkastoo uu isagu joogay, balse aan la siinin fursada uu kga hadlo, taas oo iyadna ah astaan kale ooo muujinaysa sida uu yahay xaalka xukumada iyo xusbiga Kulmiye oo kooxaysai ka bilaabmay.
SamaSamaale ma ku adkaysan doonaa go’aankiisi mise waxbaa badalay?
Ugu dambayntii hadii warkani xaqiiqoobo waxa suurto gal ah in uu dhaawa weyn oo dhanka go’aan qaadashada ah ku yimaad Cabdicasiis Max’d Samaale oo hore go’aankii uu ku diiday xilkan imika la lee yahay dib ayuu u aqbalay iyo in dadku u arkaan nin jilicsan oo aan go’aankiisa xajiasan karin. Sidoo kale waxay dhabar jab ku noqon kartaa Abiib Timacad oo isna isaga dartii sheegay in uu xilkii wasiirnimo uga tagey ka dib markii sida uu sheegay go’aankii Samaale xilka lagaga wareejiyey uu ahaa mid gacmo kale ku jireen oo anu madaxweynaha oo kali ah ku koobnayn.
La soco wixii warkan ka soo kordha
Arabsiyonews.com Office
Xigasho Cabays Media
Hargeysa- JSL








