Hargeisa(AN)Xalfadii Shalay Ee Xisbiga kulmiye ayaa waxa markaliya ka dareeray dadwaynihii waxaanay arintaasi ku noqotay layaab masuuliyiintii xisbiga .kulmiye1
Xafladan waxa ku baxday qarash xoog leh oo ay u baahnaayeen shacabka reer Somaliland ee Danyarta ah, dadka xaflada isugu yimina waxaad ka dareemaysay in ay yihiin dad arrimo dhaqaale u yimi, taasna waxa kuu cadaynaya marka aad daawato Video-ga Xaflada waxad arkaysaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Ciise Yuusuf oo Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Baashe ku leh Hadalka soo gaabi dadkiibaa inaga dareeree. Waxa kale oo Video Xaflada ka arki kartaa Marka uu hadlayo Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Saylici Hoolka Shirku ka dhacayo 3 meelood oo 2 meel dadku way ka dareereen marka laga reebo inyar oo xaga hore ku urursan, taasi waxay kuu cadaynaysaa in ay dadkani ahaayeen marka horeba qaar meesha jujuub lagu keenay .Halkan Ka Daawo Video
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland








