London-(AN)- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa niskii danbe ee xalay u dhoofay dalkii hooyo ka dib markii uu dhamaystay socdaal rasmi ah oo uu ku yimi dalka UK. –
Sida uu sheegay Xeer Ilaaliye Xasan waxa uu ka soo qayb galay Xuskii loo Sameeyay Axdigii loo yaqaanay Magna Carta oo sideed boqol oo sanadood ay ka soo wareegtay, ahaana Axdigii Gundhiga ama Aasaaska u ahaa Nidaam Sharciyeedada Dunida lagaga dhaqmo oo ku astaysan ilaalinta Xuquuqaha Aasaasiga ah iyo u sinaanshaha sharciga ee muwaadiniinta. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen 120 Dawladood oo ay ku jireen Sagaashan Wasiir Cadaaladeed iyo
Xeer iaaliye ayaa waxaa lagu lafo guray arrimaha Qaanuunka iyo sidii Dunidu ay isaga kaashan lahayd in Sharcigu uu noqdo mid dadka haga oo loo siman yahay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa waxa uu shirkaas ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay Qaran ay u dhisan yihiin Laamaha Cadaaladiisu, iyada oo reer Somaliland ay ku guuleysteen inay dib u Unkaan Sharcigii iyo Kala danbayntii ku burburtay dagaaladii qadhaadhaa ee soo maray dalkeena, waxaana tilmaamay in dalka Somaliland uu yahay dal dimuqraadi ah ah oo ay muwaadiniintu codkooda ku soo doortaan madaxdooda, taasi oo aan ka dhicin dalal badan oo dunida ah, Waxaana uu Tilmaamay in Horumar balaadhan ay Somaliland ka samaysay Ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo sinaanta sharciga.
Sida uu sheegay Kayser C/laahi oo ah xubin ku magacaaban safiirka wareega ee Somaliland oo la kulmay, Xeer ilaaliyahu waxa uu mudada uu joogay kulan la qaatay wasiirka caddaaladda UK Hon. Chris Graylin oo ay si qoto dheer uga wada hadleen xaalada guud ee dalka Somaliland iyo sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Waxaa ugu danbayn uu xeer Ilaaliyuhu uu Qasriga Boqortooyada UK kula kulmay isaga iyo xubno kale oo wadamo kale ka socdaa Boqorada dalkan UK Queen Elizabeth II. Waxaana uu Xeer ilaaliyaha guud uu xalay u anbo baxay dalkii hooyo.
Ugu Danbayn Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si weyn ugu dedaalaysa sidii Caalamka ay u gaadhsiin lahayd yuhuunta iyo rabitaanka shacbiga Somaliland ee ku salaysan sidii dunidu ay u garwaaqsan lahayd Xaqa ay Ummada reer Somaliland u leeyihiin in Qarankooda la Aqoonsado. Hase ahaatee nidaamka cadaalada Somaliland ayaa aad looga cawdaa, iyadoo xeer ilaalinta lagu eedeeyo in ayna madaxbanaanayn, lana faragaliyo xukumada ay ridaan, isla markaana ay jiraan dad badan oo qaab cadaalad daro ah ugu dhaceen xukumo aan si cadaalad ah loo qaadin, sida xadhiga labada wargeys ee Haatuf iyo Hubaal oo xukunkooda uu xaakim ku waayey shaqdiisa markii uu eegay kiiska, sheegayna in aanay jirin sobob albaabada loogu laabo. Sidoo kalena dadka dil u xukuman lagumas fuliyo, waxaan jeela ku jira dad u xukuman dilal oo aan dhana loo ridin
Source: Kaysar Cabdilaahi Maxamed Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland oo caadiyan ku sugan magaalada Bristol ee UK.
Arabsiyonews.com 0ffice Gabiley somaliland








