“Dawlada Ku Meel Gaadh Ah Cidna Samayn Mayso,Dalkana U Tudha Oo Hadalkiina U Meel Daya.Afhayeenka Madaxtooyada

0

Hargaysa(AN)Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa Axsaabta mucaaradka ku sifeeyay qaar aan dalkan ka lahayn mustaqbal siyaasi,waxaana uu sheegay in doorashadu marka uu qaranku isla garto dhici doonto.

Dawlada ku meel gaadhka ah ee ay ku baqeen madasha wadatisha iyo axsaabta mucaaradkuna waxa uu ku tilmaamay mid Aan dastuurka meelna kaga jirin,Hadalka ay odhanayaan waxa uu u soo jeediyay in ay u meel dayaan.1

Afhayeenku waxa uu sheegay in doorashadu tahay sunaha dawlada nimada,balse hadana Kamuu hadal in Ay doorashadu wakhtigeedii loo asteeyay ku dhacayso.

“Shalay waad Arkayseen Qola Mucaarad Ah ayaa inta ay isku Yimadeen ku dhaaranayay 26juun wixii ka
danbeeya inaanay dawladi jirin,Sharciga waxaas ay ku hadlayaan Meel uu kaga yaalo Mahayno,Doorasho Markasta way dhacaysaa oo waa ina Daan-wayne in ay Dhacdo oo wakhtigeeda ayay dhacaysaa,Marka uu qaranku u garto ayay dhacaysaa Doorashadu Cid Diinani Majirto,dalkuna inuu dorasho wax ku noqonayo cid waliba way ogtahay.

intaas waxa uu ku daray afhayeenka Madaxtooyada somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.”waxaanu leenahay hadalka aad dadka ku odhanaysaan u tudha,waxaana la imanayna Barnaamij Siyaasi oo umada ayaanu u soo bandhigaynaa.

waxa uu sheegay in Asxaabta mucaaradku Aanay u tudhayn Qaranka Somaliland Sharciga Dalka u yaalana Duminayaan kuna Baaqayaan Dawlada Kumeel gaadh ah.

“wixii qaran kani qabtay waanu soo bandhigaynaa,Talaabooyinka uu qarankani qaaday ayaanu shacabka u bandhigaynaa hala imanina wax kale oo taas ka duwan ee wixii aad umada u haysaan u soo bandhiga.

Afhayeenku Axsaabta mucaaradka waxa uu u soo jeediyay in ay shacabka u soo bandhigeen wixii ay u qaban Doonaan,Hadalka deel Qaafka Ahna u meel Dayaan.

“Hadalka Ka soo baxaya nimankani waa hadal aan tudhaale lahayn waa hadal aan loo meel dayin,hadal aan lagu qiimayn runtii marxalada uu dalka uu marayo,Maalintii ay baaqa soo saareen runtii waxa ay ahayd maalintii ay dalka turkiga ka yimadeen wasiiradu ka qayb galay wada hadalku, maalintaas oo kalaa xisbi mucaarad ah iyo mid Muxaafidba in lamidays-naado ayaa waajib ah,may ahayn in halkan lagu mudo oo dhibaato loogu gaysto shacabka somaliland.

Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada somaliland ayaa waxa uu ka danbeeyay Markii ay shalay Madasha wadatashiga Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen in dawlada ku meel gaadh ah Lasameeyo,Maalinta ay gaadho 26juun Hadanaan Laga Tashan inaanay Dawladi Jirin Qof walibana Yahay Masuul.

Maxamed Juba Arabsiyonews.com office Gabiley