Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Iyo Wasiiru Dawlahii Wasaarada Oo Xilkii Wareejiyay.Daawo Sawirada

0

Hargaysa(AN)Wasiirkii Hore ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali ayaa Maanta Xilkii wasaarada Ku wareejiyay wasiirka Cusub ee loo soo Magacaabay Wasaarada.

Munaasibada ay xilka kula Kala Wareegayeen wasiir ku xigeenka iyo wasiirku ayaa ka dhacday Huteelka Safaari ee magaalada hargaysa.

Wasiirka oo Munaasibada ka hadlay ayaa ka Maro kacay inuu xilku meerto yahay,Maalinbana Nin hayo kaas oo looga baahan yahay inuu dar-dar galiyo wasaarada.

Xanaanada Xanaanada2 Xanaanada3

Agaasimaha Guud ee wasaarada Xanaanada Xoolaha somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa ayaa ka waramay inta ay wasaarada Joogeen horumarka buuxa ee ay ku talaabsadeen waxaana uu yidhi.

“Waxqabadka Ay gaadhay wasaarada
Xanaanada Xoolahu waxa ugu wayn Dhismaha ay Hada Gasho taas oo ay ku baxeen Boqolaal kun oo Dollar,waxaa ka Mid Ah Tiimam isku xidhan oo layidhaa Mobile Tims kaas oo u baxa Gobolada dalka Runtiina loo eego dalalkan Africa ee inagu Xeeran Aanay jirin Tiimam isku xidhan oo Gaadha Gobolada dalka Soona Daweeya Xoolaha.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu raaciyay.

“Shaqaalaha wasaarada Markii ay Dalka Haysatay Waxa ay Ahayeen waxaan Gaadhin Laba Boqol,Hadana waxa ay yihiin 350 Shaqaale Ah,waxaana kale oo ka Mid Ah toban Milayn oo Xoolaha oo La Daweeyay,waxa lagu qiyaasaa Xoolaha Somaliland ilaa Labaatan Milyan, Haaf Ka Mid Ahi waxa ay qateen Dawooyin iyo Talaal,Dawladuna wasaaradan waxa ay u kordhisay Miisaaniyada oo dawladii ka Horaysay Ahaan Jirtay ilaa Saddex Boqol oo kun imikana waxa weeyaan Hal Milayn oo dollar oo lacag Ah.
Dhinaca kale agaasimahu waxa uu sheegay intii Ay xilka hayeen in ay ku talaabsatay horumar dhinac Xanaanada Xoolaha Ah oo lagu daryeelayo Xoolaha laguna talaalayo kuwa Aan haysan talaal si looga bad-baadiyo Cudurada ku dhaca xoolaha,madaama oo ay Xoolahu yihiin Laf dhabarta dhaqaalaha dalka.

“Aniga oo ka wakiil Ah dhamaan Shaqaalaha wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland waxaan leenahay soo dhawoow wasiirka Cusub Waxaanan Sagootinay wasiirkii Hore oo laga dhigay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada,Wasiirka Cusubna waxaan u balan qaadaya inaan si wanaagsan ula shaqayn Doono.
wasiiru Dawlahii Hore ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdale Ayaa isna Xilka ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Cusub ee wasaarada Xanaanada Xoolaha,waxaana uu sheegay inuu Xilku yahay meerto,Maalinba Nin Hayo.

Wasiir ku xigeenka Cusub ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in Loo diyaar Garoobo Hadii Aanu Roob Da’in in laga Tabaabu Shaysto,isla markaas Xoolaha loodoono Wixii ay kaga bixi lahayeen Abaarta Dhulkii Qalajisay.
Wasiirkii Hore ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw Daahir Cali Ayaa sheegay inuu Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gaadhsiiyay Meel aad u saraysa,kaas oo ka soo qaaday meel sida uu sheegay liidata.

“Mudane wasiir waxaan Maanta kuugu wareejinayaa wasaaradda Xanaanada xoolaha oo ah wasaarad lafdhabar u ah dhaqaalaha dalka waa wasaarad Maanta ay u dhantahay dhamaan adeegyadii ay Ku hawlgalaysay ee lahaa Dhismayaal, shaqaale, qalab, shuruuc,MUDANAYAAL IYO Marwooyin, Somaliland inta badan dhaqaalaheedu wuxuu ku xdhanyahay Xoolaha Nool . 70% shaqaalaheenu waa Ku xidhan yihiin Xoolaha,60% GDP waa Xoolaha iyo 85% lacagta inaga soo gasha waxaynu dhoofino waxay ka timaadaa Xoolaha.

Xanaanada4 Xanaanada5 Xanaanada6

Intaas waxa uu ku daray wasiirku.” Mudane wasiir, .Waxaanu kuugu wareejinayaa 335 shaqaale oo 30 yihiin 2015 .195 shaqaalahaa ka mid ah waxaa la qoray intii dawlada Xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegtay oo ka Badan shaqaalihii ee 20 kii sanadood oo dhamaa 140 keliya Una badnaa hawlgab . WAxaan ka duulaynay siyaasadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah Kor u qaadidda Shaqo abuurka iyo daryeelka xoolaheenna. Shaqaalahaas 80% waa dhakhaatiir Xoolaha ah oo ka soo qalinjabiyay jaamacadda Burco, Dugsiga Xoolaha ee Sheekh,iyo jaamacadaha Ethiopia. Maanta inta badan gobolada dalka waxaa ka hawlgala dhallinyaro jaamiciyiin ah oo u heegan ah daaweynta iyo daryeelka Xoolaha.

Wasiirka Cusub ee wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax ayaa isna sheegay inuu Xilkaas Sidii loogu talo galay u gudan Doono waxaana uu shaqaalaha u soo jeediyay in ay ula Shaqeeyaan Siday Ay wasiirkii Hore Ula shaqayn Jireen.

Gaba-gabadii iyaguna waxa meesha ka hadlay Haay’adihii lashaqayn Jiray wasaarada Xanaanada Xoolaha kuwaas oo dhamaantood ka maro kacay inuu wasiir Cabdi Aw Daahir ahaa Shaqsi wanaagsan oo Wasaarada Kor u soo dalacay.

 

Maxamed Juba Arabsiyonews.com office Gabiley