Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah Adis-ababa, Am.Cat Evans oo markii u horaysay Hargeysa timid.
Ujeedada Haweeynaydan ayaa lagu sheegay inay ku salaysnayd falan-qaynta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho ku saabsan Dalka somaliland
Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Mowliid Maxamuud Ibraahim ayaa kulanka madaxweynaha iyo safiir xigeenka Ingiriiska waxa uu sharaxay ujeedka socdaalka Haweenaydan.
Halkan Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay haweenayda safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah safaaradda Addis Ababa. Gabadhani waa markii u

horaysay ee ay Somaliland timid, waxay Addis Ababa timid todobaadkii hore waxayna Somaliland ku timid socdaalkeedii u horeeyay.
Intaas waxa uu ku daray wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada somaliland.” waxayna Madaxweynaha ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo shaqadeeda ay qaabilsanaan doonto, waxa kale oo ay ka hadleen waxyaabaha ay Ingiriisku inaga caawiyaan sida doorashooyinka, wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale oo badan” ayuu yidhi Wasiir Xigeenka Khaarajigu.
Safiir xigeenka Ingiriiska ee Ethiopia Am.Cat Evans, ayaa dhinaceeda sheegtay inay Madaxweynaha la yeelatay wada hadal midho dhal ah oo ku taxa luqa xidhiidhka labada dhinac.
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan ku Imaado Somaliland, bookhashadaydii ugu horaysay, wayna I xiiso galinaysaa, waxaanay dhiiri galinaysaa Iskaashiga laba geesoodka ah ee cajiibka ah,ee aan Somaliland la leenahay, iyo sidoo kale taariikhda dheer ee inaga dhexaysa.waxaan Madaxweynaha wada yeelanay wada hadal midho dhal, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku” ayay tidhi Am.Cat Evans.
Maxamed Juba Arabsiyonews.com office Gabiley








